Toogasho ka dhacday Degmada Buulaburde oo lagu dilay askari u dhashay dalka Jabuuti

Askarigan, ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu dilay Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii ay si gaadmo ah u toogteen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Askariga, ayaa waxaa la tilmaamay in la dilay, xilli uu ku sii jeeday xerada Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin dhinaca galbeed ee Degmada Buulaburde.

Ciidan ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom, ayaa gaaray halkii lagu dilay askariga, waxayna ka sameeyeen hawlgal ay dad ku soo qab qabteen.

Ciidamada, ayaa gacanta ku soo dhigay dad ka ag-dhawaa goobta uu dilku ka dhacay, iyadoo mid ka mid ah dadka la soo qabtay la sheegay, xilligii la soo qabanaayay in uu hubeysnaa.

Saraakiisha Amisom iyo Maamulka Degmada Buulaburde, ayaan weli ka hadlin askariga reer Jabuuti ee maanta lagu dilay degmadaasi.

Comments