Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweynaha Ahlu Sunna (SAWIRRO)

Madaxw eyne Farmaajo ayaa Madaxtooyadda Somaliya kula kulmay Hogaamiyaha Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kulanka ayaa looga hadlay dar dargelinta wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna oo la filaayo inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulanka.

Madaxweynaha Somaliya ayaa ka codsaday madaxda Ahlu Sunna inay fududeeyaan wax kasta oo keeni kara isku soo dhawaansho dhexmarta Ahlu Sunna iyo madaxda Galmudug.

Galmudug 30-ka Bishan waxaa loo madalsan yahay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha, waxaana inta ka horeysa lagu dadaalayaa sidii loo xalin lahaa khilaafaadka labada dhinac ka dhex jira. 

1492584631104ba.jpg

1492584634a76c0.jpg

1492584636e0a60.jpg

14925846383d235.jpg

149258464031b90.jpg

1492584643c0c04.jpg

1492584648e411a.jpg

149258465036346.jpg

149258465366fb1.jpg

14925846560992b.jpg

Comments