Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo caawa lagu dilay Magaalada Baledweyne

Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow ku weeraray xaafadda Hawlwadaag, iyadoona la sheegay in dhawr xabadood kaga dhufteen qaybaha sare ee jirkiisa.

Raggan dilka gaystay oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, ayaa dilka ka dib ka baxsaday halkii ay ku dileen Nabadoonka.

Ciidamada ammaanka oo falkaasi lagu soo wargeliyay, ayaa gaaray xaafadda Hawlwadaag, inkastoo aanay gacanta ku soo dhigay kuwii dilka gaystay.

Allaha u naxaristee Nabadoon Dhicisow, ayaa ka mid ahaa Ergooyinkii Xildhibaanada Hirshabelle ku soo xushay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Comments