Dad ku dhintay madaafiic galabta ku dhacday Degmnada Hawlwadaag

Dhawr qof oo shacab ah, ayaa ku dhintay tiro madaafiic ah oo gelinkii dambe ee maanta ku dhacay Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Hoobiye, ayaa ku soo dhacay iskuul ka soo horjeedka Xarunta Degmada Hawlwadaag, xilli ay ardaydu qaadaneysay xiisadaha ka baxa iskuulkaasi, waxaana la xaqiijiyay in hal arday ku dhintay, halka saddex kalana ay ku dhaawacantay.

Hoobiye kale, ayaa ku soo dhacay xaafadda Tokyo ee Degmada Hawlwadaag, iyadoo uu ku dhintay nin dhalinyaro ahaa, halka laba kalana ay ku dhaawacantay.

Hoobiye-yaal kale, ayaa la sheegay in ay ku soo dhaceen xaafado kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, inkastoo aan la soo sheegin cid ay waxyeelo ka soo gaartay.

Madaafiicdan waxay ku soo beegmayan, xilli maalintii Axada la toogtay laba nin oo madaafiic ka tuureysay Degmada Wadajir.

Comments