Maamulka Magaalada Marka oo sheegay inay dibad joog ka yihiin Marka

Maamulka magaalada Marka ayaa ku eedeeyay maamulka K/galbeed inay ka gaabiyeen wax ka qabashada amniga guud ee magaaladaasi, maadaama xilligaan ammaanka Magaalada Marka uusan aheyn mid hagaagsan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Marka C/xakiin Xuseen Xasan, ayaa sheegay in tan iyo markii loo magacaabay maamulkooda dibad jog ka yihiin magaaladaasi.

Sababta ayuu ku sheegay iney tahay kadib markii magaalada Marka uu sheegay in ay ka jiraan xiisado u dhaxeeya beello mudo halkaasi wada deggan, taasina ay keentay in shaqadii maamulkooda aysan u suurtagelin sidii loo baahnaa.

Mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed ayuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in looga baahnaa iney u xusul duubtaan sidii loo xasilin lahaa magaalada, loona heli lahaa ciidamo amniga suga.

“Maamulka K/galbeed usoo magacaabay degmada ayaan nahaya, degmada Gacan kuma jirto, annaga ma  shaqeynno, inta badan magaalada Al-shabaab ayaa haysta, saldhig Booliis ma jiro, waa degmo aan maamul ka jirin, ciidan Booliis ah lama geyn, hadde waxaas oo dhanna waxaa mas’uul ka ah K/galbeed, waxya ku egyihiin Afgooye  iyo Baydhabo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka

Comments