Beesha caalamka oo soo dhaweysay dhismaha Golaha amniga Qaranka

Qaramada Midoobay Iyo Xubnaha Beesha caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay, dhismaha Guddiga Golaha amniga Qaranka, taasi oo la isugula gartay shirkii shalay Muqdisho ugu soo dhamaaday Madaxda dowladda iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

War ka soo baxay xubnaha ku bahoobay Beesha caalamka, ayaa si weyn loogu taageeray dhismaha Golaha amniga Qaranka ee madaxda ay isla garteen.

Madaxda Dowladda ayaa kulankii shalay u soo dhamaaday waxa ay ka soo saareen warmurtiyeed ay ku xusan yihiin qodobo khuseeya dhismaha Golaha amniga Qaranka.

1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

2.  Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlado-goboleedyada.

Comments