Guddi Wasiiro ah oo loo magacaabay wada hadalka Galmudug iyo Ahlu Sunna

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya waxaa uu u magacaabay wadahalada Galmudug iyo Ahlusunna.

Wasiiradaasi waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo sidoo kale Wasiirka arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale xalay la kulmay xubno ka tirsan Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe, iyadoo kulanka uu ka dhacay Maaxtooyadda Somaliya.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku sugnaa madasha, waxaana laga codsaday inuu fududeeyo wada hadalka.

Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa ka qayb galay kulanka, kuwaasi oo dalbaday in si dhaw loo fududeeyo wada hadalka Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa bogaadiyay kaalinta dowladda Federalka Somaliya ay ka qaadaneyso sidii xal buuxa loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka taagan Gobolada Dhexe.

Comments