Galmudug oo laba nin ku wareejisay Maamulka Puntland (SAWIRRO)

Maamulka Galmudug, ayaa maanta laba nin ku wareejiyay Maamulka Puntland, ka dib markii raggaasi lagu eedeeyay in ay gaadiidka ka soo dhici jireen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Hay'adda CID-da Galmudug, Maxamuud Cilmi Gulaafe, ayaa sheegay in maanta ay Puntland ku wareejiyeen laba nin iyo hal gaari, oo Waqooyiga Gaalkacyo ay ka soo dhaceen.

Cismaan Xasan Cuuke, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Galmudug ugu soo wareejisay labadaasi nin.

Taliyaha, ayaa waxaa uu tallaabadan ku sheegay mid ka marqaati kaceyso in wada shaqayni ay labada maamulba ka dhaxeyso.

1490029262d8125.jpg

1490029263a53f9.jpg

14900292654c471.jpg

149002926596ff2.jpg

14900292667a5c4.jpg

Comments