Xildhibaanada Galmudug oo sheegay 28 Bishan inay qabanayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa sheegay dabayaaqada Bishan inay qabanayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka dalbaday baarlamaanka Maamulka Galmudug inay doorashada dib u dhigaan muddo dhan 45 Cisho, hayeeshe Xildhibaanada ayaa sheegay inay go’aansadeen in dabayaaqada Bishan ay qabtaan doorashada.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay go’aankaasi inay ka dhabeynayaan, hadii wax kale aysan dhicin.

“Codsiga Ra’iisal Wasaaraha weli nama soo gaarin, laakiinse Idaacadaha baan ka maqlnay, wuxuuna codsigaasi yimid markii aan tashannay oo go’aankaan aan gaarnay, waqti badan baa soo lumay, shacabkii waxay na leeyihiin ma waxaad rabtaan inaad dumisaan codsiga iyo wax lamid ah, sidaasi darteed doorashada Galmudug waxay dhacaysaa 28­ka bishan oo ku beegan Talaado, musharraxiintana waxaa laga doonayaa iney araaidooda mudadaasi kusoo gudbistaan.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isku casilay arimo la xiriira dhanka caafimaadka .

Comments