Mahad Cabdalla Cawad: Waa in Xukuumadda si dhaqsi lagu soo dhisaa

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya,Mahad Cabdala Cawad ayaa usoo jeediyay Ra’iisul wasaaraha Somaliya inuu si dhaqso ah ku soo magacaabo golaha wasiirrada ee xukuumadda Faderaalka.

Hadal uu ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka kulan uu baarlamaanka shalay qaatay ayuu ku sheegay inay muhiim tahay si deg deg ah in lugu soo magacaabo wasiirrada.

Guddoomiye ku-xigeenka waxaa kalo uu baarlamaanka ugu baaqay in loo baahan yahay Xildhibaanada inay qeyb ka noqdaan gurmadka abaaraha iyo deegaanada deeqaha la gaarsiinayo, maaddama ay yihiin deegaannadii laga soo doortay.

Waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday hay’addaha fulinta iyo Guddiga Abaaraha inay Xildhibaanada u adeegsadaan howsha gaarsiinta deeqaha, lagana wareysto Xildhibaanada, maadaama ay matalaan shacabka.

“Waxaan ka codsanay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha howl waliba oo la qabanaayo in Xildhibaan deegaan doorashadaas lagu wargeliyo, hadii la tagayana lagu wargeliyo, waxaan ka codsanay in Xukuumadda deg deg loo soo dhiso, waxaanu ku nidhi Xildhibaanada meesha fadhiya deeganadooda ayeey kuligood u socdaan dadkooda inay dhibka la soo qaybsadaan ayeey u socdaan, waxayna u joogaan kaliya ansixinta Xukuumadda cusub, si Xildhibaanada ay deeganadooda u aadan oo gurmadka abaaraha ay si toos ah uga qaybgalaan.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa baaqan u diray Ra’iisul wasaaraha xilli la sheegay inuu is marin-waa xooggan ka taagan yahay soo magacaabista wasiirrada Faderaalka,sida u dastuurka qabo muddo soddon cisho ah oo ku eg 31 bishan Maarso ayaa looga fadhiya ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha inuu wasiirrada ku hor-keeno baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

Comments