Somalida ku nool Yemen oo loogu baaqay inay ka tagaan Magaalooyinka Xuutiyiinta ay maamulaan

Somalida ku nool dalka Yemen, gaar ahaan goobaha colaadaha ay ka taagan yihiin ayaa loogu baaqay inay halkaasi isaga tagaan si aysan dhibaato uga soo gaarin colaadaha. 

Qunsul Axmed Suudaani ayaa sheegay in Gobollada ay gacanta ku hayaan xuutiyiinta Yemen ay ku wajahan yihiin dagaallada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo waxaana uu Somalida Gobolladaas joogto ugu baaqay in ay Cadan tagaan. 

Waxaa uu intaas ku daray in Magaalada Cadan ay maamusho Dowladda Yemen ay dadka tagaan haddii ay ku noolaan waayaanna iska diiwaan geliyaan Safaaradda Somaliya ee Yemen halkaas oo uu sheegay in ay safaaradda u fududeyn doonto in ay Somaliya ku soo laabtaan. 

Axmed Suudaani,ayaa sheegay in Dowladda Yemen ay hadda maamusho Cadan islamarkaana dadka Somaalida ah ay tagi karaan magaaladaas. 

42 ruux oo Somali ah ayaa ku dhintay gantaal lagu dhuftay doontii ay la socdeen oo mareysay xeebaha dalka Yemen, welina lama oga cida fulisay. 

Comments