Booliska Koonfur Galbeed oo sheegay todobo Shabaab ah inay ku dileen dagaal ka dhacay Baay (SAWIRRO)

Booliska Koofur Galbeed ayaa guul ka sheegtay dagaal iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan u dhaxeeya Baydhaba iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay. 

Taliyaha oo ka waramaayay howlgalkii ay ka sameeyeen  inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Qansax dheere waxa uu tilmaamay in wadada xiriirisa Degmooyinkaas hada la isku furay. 

Xubno isaga uu ku jiro ayuu sheegay iney maanta socod ku mari doonaan wadooyinkaas ay isu Fureen. 

Cabdulle Isaaq oo ah Taliyaha Booliska gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in intii uu socday dagaalka u dhaxeeyay iyaga iyo Al-shabaab ay Guri ku gubeen xubno ka tirsan Al-shabaab. 

Saddex ka mid ah Askartooda ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen howlgalka lagu furayay Wadada  xiriirisa Baydhaba iyo Qansaxdheere. 

Taliye Isaaq,ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka dileen 7 Askari,3-na ay nolosha ku qabteen oo ay hadda ku hayaan saldhig ay ku leeyihiin Baydhabo. 

Waxaa uu taliye Isaaq,sheegay in hadda waddooyinka Baydhaba iyo Qansax-dheere ay isu furan yihiin ayna ka saareen Al-shabaab oo gar gaar la gaarsiin karo halkii la doono.

14899067040a354.jpg

14899067051b03c.jpg

1489906706d26c3.jpg

1489906706b58cd.jpg

1489906706d9bbd.jpg

1489906707c94f2.jpg

1489906709f3a55.jpg

Comments