Nabad Suggida Galmudug oo sheegtay gaari Homey ah oo qarax ka buuxay inay qabteen

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ciidamada Nabad Suggida Galmudug ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen gaari caasi ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo labo qof oo la socotay. 

Gaariga caasiga ah ayay Ciidamada Galmudug ay ka qabteen inta u dhaxeysa Degmooyinka Cabud-waaq iyo Xanan-buuro oo ka Tirsan Gobolka Galgaduud ee Galmudug waxaa haatan baaritaano lagu wadaa shaqsiyaadkii la socday gaariga la qabtay. 

Saraakiisha Nabad Suggida Galmudug, waxa ay sheegeen gaarigaan in lala damacsanaa in lagu qarxiyo Degmada Caabudwaaq, balse ay ka hortageen. 

Saraakiisha waxa ay sheegeen baaritan kadib in la soo bandhigi doono gaariga iyo ragga ay gacanta ku dhigeen ciidamada. 

Dhowr jeer oo hore Ciidamada Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa.

Comments