Madaxweynaha Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Xerada ciidamada Kenya ee Dhoobley (SAWIRRO)

Madaxweynaha Kenya ayaa booqasho qarsoodi ah wuxuu ku tagay Xero ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley ee ka tirsan Gobolka Jubbada hoose. 

 “Halkan waxa aad joogteen muddo si aad nolosha u bad-baadisaan, arrintaasi darteed Kenyaanka idiinma illoobi doonaan, joogitaankiina waxaa uu dadka ka xoreeyay Alshabaab”. 

 Mr. Uhuru oo sii hadlaya waxaa uu intaa raaciyay “Fadlan niyaddiina ka dhisnaayo, fadlan hankiina ha sareeyo, waxa aad ka qabataan maalin walba waa in la garto, aadna loo qadariyo, arrintaasi waxaa ay saacideysaa gudaha Kenya iyo dhammaan gobolka’. 

Madaxweynaha Kenya waxaa uu ciidamdiisa u sheegay in Soomaaliya lagu talo jiro in ciidamo loo dhiso, markaasi kadibna ciidamada Kenyaanka ay guryahooda ku laaban doonaan. 

Ciimada Kenya waxaa ay Soomaaliya soo galeen 2011-kii, intii ay joogeen waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo laga sameeyay maamulka hadda loo yaqaano Jubbaland, marar badan ayaa ciidamo laga dilay, laakin dib uma guran. 

1489905490faec5.jpg

1489905492b0ef9.jpg

148990549403a20.jpg

148990549771d12.jpg

14899055009b4f2.jpg

1489905501a24d9.jpg

14899055021b1d0.jpg

1489905504ef0d7.jpg

148990550689c58.jpg

14899055097940e.jpg

1489905513a8bd9.jpg

1489905516aca6c.jpg

1489905519541a7.jpg

14899055228b35f.jpg

Comments