Ciidamada Faransiiska oo nin ku toogtay Garoonka Orly ee Magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Ciidamada ammaanka Faransiiska, ayaa maanta hal nin ku dilay Garoonka Orly, oo ah Garoonka labaad ee ugu weyn Magaalada Paris ee Xarunta Faransiiska.

Tani waxay ka dambeysay markii uu ninkaasi qori ka fara maroojiyay mid ka mid ah ciidanka la dagaalanka argagixisada, iyadoona daqiiqado ka dib ay ciidamada ammaanku dileen ninkaasi.

Maamulka Garoonka Orly, ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Garoonkaasi, waxaana la joojiyay hawlihii shaqo ee Garoonka, iyadoona dibadda looga saaray rakaabkii ka dhoofaayay.

Maamulka, ayaa wuxuu dhacdadaan ku macneeyay mid aad u khatar ah, isla-markaana ay iminka xaqiijinayan nabadgelyada Garoonkaasi.

Ciidamada miino baarista oo gaaray Garoonkan, ayaa waxay ka bilaabeen baaritaano lagu hubinayo in ninka la toogtay uu xiran yahay jaakadda walxaha qarxa ka samaysan iyo in kale.

14898348084dd81.jpg

14898348104d1dd.jpg

14898348114c353.jpg

1489834812259bf.jpg

148983481406780.jpg

148983481697bdd.jpg

1489834817c43f7.jpg

1489834818af955.jpg

14898348193ca0a.jpg

1489834820ee5dd.jpg

14898348226450a.jpg

Comments