Sacuudiga oo iska fogeeyay inuu ka dambeeyay dadka Somalida ah ee Yemen lagu laayay

Iyadoo Shalay  Gantaal lagu dhuftay dooni ay saarnaayeen Qaxooti Somaliyed oo maraysay xeebaha dalka Yemen ayaa arintaasi waxaa ka hadashay xulufadda dowladda Sacuudiga ay hogaamiso ee dagaalka ka wadda dalka Yemen.

Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri oo ah Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in weerarkaasi aysan geysan diyaaradahooda ,islamarkaana ay geysteen Xuutiyiinta.

Waxa uu sheegay in goobta dadkaasi lagu dilay aysan weeraro ka fulin diyaaradaha Sacuudiga ,laakiin ay ku tuhun san yihiin in ay ka dambeeyeen Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen.

Waxa uu u sheegay Al-Carabiya in dowladda Sucuudiga isbaheysiga ay hoggaamiso in aysan beegsan doomaha iyo sidoo kale goobaha Xeebaha ah ,ayna halkaasi joogin ciidankooda.

“Howsheena ma ahan midaasi aagaasi maba tagno mana duqeyno marka warku waa uu Cadyahay oo dadkaasi waxaa laayay Xuutiyiinta” ayuu yiri Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri.

Kooxaha Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa dhankooda xusay in aysan haysanin diyaarado Gantaalo rida ,dadkaasi masaakiinta ah in ay laayeen Ciidamada Sucuudiga.

Mucaaradka Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyey isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo inay fuliyeen weerarka.

Comments