Shabaab soo bandhigay ciidamo horay uga goostay dowladda oo qaatay fekerka Shabaab (SAWIRRO)

Ururka Al Shabaab ee dowladda iyo ciidamada Amisom dagaalka kula jira ayaa soo bandhigay 46 Askari oo siyaabo kala duwan uga goostay ciidamada dowladda.

Askartaan ayaa muddo dhan saddex bilood waxaa u socday tababar ku aadan sidii loo bari lahaa fekeraka Shabaab ee ku aadan dagaalka ka socda Somaliya.

Munaasabad shalay oo jimco aheyd dhacday ayaa lagau soo bandhigay Askartaan Degmada Jilib, waxaana ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo Shabaab ka tirsan.

Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka Sheekh Abuu Cabdalla oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigaayay askartaasi ayaa wuxuu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo bandhigista askartaan.

Wuxuu sheegay askartaan shalay inay ahaayeen kuwa la dagaalama Shabaab, balse maanta ay yihiin kuwa la dagaalamaya ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Qaar ka tirsan askarta la soo bandhigay ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay la dagaalanka ciidanka dowladda iyo kuwa Amisom oo shalay isku meel ay ka soo wada jeedeen. 

14898183554b197.jpg

1489818358411c8.jpg

14898183602bf17.jpg

148981836264fa1.jpg

14898183668e622.jpg

14898183739843b.jpg

1489818379617d0.jpg

1489818382e427a.jpg

14898183842fb81.jpg

148981838843f22.jpg

14898183909ce84.jpg

14898183923036a.jpg

1489818394c68c3.jpg

Comments