Haabiil Abuubakar oo ka mid ah Ergadii Koonfur Galbeed oo Afgooye lagu dilay

Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa xalay Degmada Afgooye waxa ay ku toogteen Haabiil Abuubakar oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Afgooye. 

Haabiil, ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed. 

Ragga hubaysan ayaa Haabiil waxa ay ku dileen gudaha goob ganacsi uu ku lahaa Degmada Afgooye, meel ku dhaw Buundada yar. 

Dilka kadib raggii hubaysnaa ayaa waxaa u suuragashay inay durba meesha ka baxsadaan, markii ay toogteen Haabiil. 

Ciidamada dowladda ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxayna sameeyeen Baaritaano, lamana oo sheegin cid ay soo qabteen. 

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa si joogto ah uga dhaca Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Comments