Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya John Jerry Rawlings horayna u ahaa madaxweynihii Gaana ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu u xallin lahaa khilaafka u dhexeeya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo laba garab u kala jaban.
AU Envoy for Somalia - John Jerry RawlingsMr. Rawlings oo booqasho hal maalin ah ku tagay Muqdisho Arbacadii lasoo dhaafay ayaa kulammo la yeeshay madaxda DKMG ah, wuxuuna hadal uu saxaafadda siiyay ku sheegay in qorshihiisu yahay inuu isku keeno labada garab ee baarlamaanku u qaybsan yahay.
"Waxaan isku dayayaa inaan isku keeno dhinacyada baarlamaanka Soomaaliya ee uu khilaafku u dhexeeyo, si xal looga gaari muranka siyaasadeed ee u dhexeeya," ayaa lagu yiri warqad uu dhexdhexaadinta uu wado kaga hadlay.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u qaybsan laba garab oo iska soo horjeeda iyadoo dhinac ka mid ah uu sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna guddoomiye u doorteen xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.
Garabka xildhibaannadan ah ee kasoo horjeeda Shariif Xasan ayaa waxay shalay kula albaabbadu u xiran yihiin kula yeesheen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho saraakiil ka tirsan AMISOM, iyadoo saxaafadda loo diiday inay kulankaas goobjoog ka noqoto.
Mudane Madoobe Nuunow oo xildhibaannada diidan Shariif Xasan ay u doorteen bishan horraanteedii guddoomiye baarlamaan oo saxaafadda la hadlay kulankaas kaddib ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaaro khilaafka xildhibaannada u dhexeeya.
Xildhibaannada taageersan Shariif Xasan ayaa iyaguna u arka go'aankii xilka looga qaaday guddoomiyaha baarlamaanka mid ka hor-imaanaya heshiiskii Kampala oo dhigayay inaan mooshin laga keeni karin madaxda dowladda KMG ah inta laga baxayo xilliga KMG ah.