Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saaka soo kormeeray qaybihii xalay gubtay ee suuqa degmada Xamar-weyne, waxaana isaga iyo wafdigiisu ay tageen dhammaan xarumihii ganacsi ee uu dabku baabi'iyay.
Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayay ra’iisul wasaaraha wasiirka warfaafinta, C/qaadir Jaahweyn, taliyaha booliska Jen. Shariif Sheekhunaa Maye, taliyaha xoogga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, taiye ku xigeeenka hay'adda nabadsugida iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan).
"Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa. Waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanti beelay inuu badal khayr qaba siiyo. Innagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah gacan ayaa ka geysaneynaa," ayuu Dr C/weli Gaas ku yiri dadkii dabakaas ku hanti-beelay oo goobta ku sugnaa.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu uga mahad-celiyay ciidamada AMISOM sida ay uga qeyb-qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dab-damis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyay qaybaha uu dabku ka kacay.
"Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa inay foojignaan muujiyaan oo ay ka taxadaraan waxyaalaha sababi kara inuu dabka kaco," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha, isagoo intaas raaciyay in dowladdu qiimeyn doonto baaxada hantida uu dabku baabi’iyay kaddibna ay la kaashan doonaan cid kasta oo awood u leh inay ka qaybqaadato taakuleynta dadkii hantidu ka gubatay.
Ugu dambeyntiina, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka codsaday wasaaradda arrimaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay qorshe cad u sameeyaan dib u dhis lagu sameeyo suuqa iyo in jidad waaweyn loo sameeyo si looga fogaado inuu soo laabto dab kale oo khasaare dhaliya.
Dhanka kale, waxaa suuqa gubtay booqday wafdi xildhibaanno ah oo uu horkacayo mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo xidhibaanno ka tirsan baarlamaank KMG ah ay u doorteen guddoomiye, kaddib markii ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaan Madoobe Nuunow ayaa sheegay in dowladda KMG ah iyo dalalka Dunida ay ugu baaqayaan inay caawiyaan dadkii ku hanti beelay dabkii burburiyay qaybo ka mid ah suuqa degmada Xamarweyne.