Xarakada Al-shabaab ayaa qirtay in mid ka mid ah dagaalyahannada ajnabiga ah ee ka barbar dagaalama xoogagooda lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo shalay gallinkii dambe ka dhacday duleedka Muqdisho.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa u xaqiijiyay saxaafadda in la dilay Bilaal Al-barjaawi oo u dhashay dalka Lubnaan, kana mid ahaa saraakiisha ajnabiga ah ee ka barbar dagaalama Al-shabaab.

"Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa shalay 2:00 duhunimo waxay duqeyn ku dileen walaalkeen Bilaal Al-barjaawi agagaarka isbitaalka Xayaat, waxaana filaynaa in diyaaradaha ay lahaayeen Mareykanka," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dagaalyahankan ajnabiga ah ee la dilay uu haystay dhalashada dalka Ingiriiska, tan iyo sannadkii 2006 uu ku sugnaa dalka Soomaaliya, uuna la soo dagaalamay ciidamadii Itoobiya.

"Diyaaradaha dilka geystay ma garanayno cid iska lahayd, basle waxaan filaynaa inay leeyihiin Mareykanka oo horay dhowr jeer duqeymo noocan oo kale ah uga geystay Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Ma sheegin afhayeenku cid kale oo wax ku noqotay duqeynta, waxaana sarkaalka la dilay lagu gubay gaari uu watay, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay la dhinteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la socday.

Saraalkan ayaa wuxuu noqonayaa xubintii labaad oo Al-qaacida ka tirsan oo lagu dilo gudaha Soomaaliya, iyadoo sannadkii 2009 lagu dilay duleedka deegmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Saalax Cali Nebhaan.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay diyaaradaha duqeynta geystay ayaa haddana waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo duleedka Muqdisho ay duqeymo ka geystaan diyaaradaha dagaal ee aan duuliyaha lahayn.