Hogaamiyaha xisbul islaam shiikh Xassan Dahir Aweys oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa kaga hadlay dhawr arimood oo ay kamid tahay inay sii wadi doonaan oo
marnaba aysan joojin doonin dagaalada ay Soomaliya ka wadaan inta beesha caalamka iyo dowladda Itoobiya ay faraha kula jiraan arimaha gudaha dalka Soomaaliya.

shiikh Xassan Dahir Aweys ayaa sheegay in arimaha soomaaliya ay gacanta kula jiraan dawlado shisheeye oo aan doonaynin in xal loo helo soomaaliya sidaa darteedna loo baahanyahay marka hore in la joojiyo faragalinta nalagu hayo

Dhanka kale waxaa uu si weyn u beeniyay in Ururkiisa la midoobey Xarakada Alshabaab waxaana uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad balse muhiimadu tahay in labada Xarako midoobaan.

"Micno keeni mayso in cunutg Xisbul islam ahaa uu yiraa Waxaan galay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxa macno fiican kaanaya in labada xarakao wada mioobaan" ayuu yiri Sh.Xasan Daahir

Waxaa uu shaaca ka qaaday inuu ka digayo in la iska horkeeno labada Xarako ee dagaalada kula jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada KMG,waxaana tilmaamay inuu isagu taageersan yahay in Mujaahuidiintu dhamaan mideysan yihiin.